Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamada Xooga dalka oo Si cajiib ah ku Joojiyey Colaadii Gobolka Mudug

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay isku keenaan waxgaradka Degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah, iyadoona uu dagaalkaasi dhaliyey Khasaare Naf iyo Maalba leh oo kala gaadhay labada dhinac.

Kulamo ka kala dhacay Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi iyadoo taliska Ciidamada Xooga dalku  uu ku qanciyay dhinacyada in dagaalku uusan xal ahayn loona baahan yahay in wada hadal lagu xaliyo tabashooyinka jira.

Xildhibaan Axmed Macalim FIQI oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Dedaalka ay wadaan  Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka ee uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Lugtu.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalada nabadeed ee saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku kala dhexgalayaan beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaanada Bariga gobolka Mudug (Afbarwaaqo iyo Tawfiiq). Waa hawlihii rasmiga ahaa ee ciidamadu qaranku u taagnaayeen..

Waxaan ugu baaqayaa maamulada kala duwan iyo shacabka labada dhinacba In ay gacan buuxda siiyaan ciidamada XDS oo gurmad nabadeed halkaas u tagey.” Ayuu yidhi xildhibaanka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *