Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamo adeegsanaya diyaarada dagaalka ayaa weerar ku qaaday xarun ay alshabaab leeyihiin

Ciidanka  Somaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa saakay weerar qorsheysan ku beegsaday deegaanka tirsan  Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarada dagaalka ee dalka maraykankaayaa ka qayb qaatatay dagaalkan, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah, iyadoo la sheegay in Al-shabaab Bariirre laga saaray.

Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Warkan ayaa intaas ku daraya – in Ciidammadaan ururiska ah ay kusoo furteen weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Dhanka kale, Dadka ku nool Bariirre ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo diyaaradaha qummaatiga u kaca ay fuliyeen, iyadoo ciidamada wadajirka ayaa howl galka kaddib kasoo laabtay deegaanka.

 

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka, iyadoo uu ku soo beegmayo howl-galkan iyadoo dhawaanahan hawlgallo noocooda ah ay qaybo ka mid ah Soomaaliya ka fuliyeen ciidammada kumaadoosta Somalia iyo ciidammo Mareykan ah

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *