Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamo hubaysan ayaa la wareegey halka shirku ka socdo magaalada jowhar

Ciidamo Milateri ah ayaa maanta la wareegay xarunta shirka magaalada Jowhar, iyagoo diiday in gudaha loo galo, lagana baxo xarunta oo ay sidoo kale degan yihiin ergadii ka qeyb galeysay shirka maamul u sameynta Hirshabeelle.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Jowhar ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ayaa la sheegay inay ku heyb yihiin Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xasan Cali Taakow, kaasoo shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay Jowhar ku sheegay in la joojiyay shirka.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa ah mid degan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inay isku dhacaan ciidamadan milateriga ee la wareegay xarunta uu ka socday shirka maamul u sameynta Hirshabeelle oo ku dhex taal dhismaha Shirkadda Farjano.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan fara gelin dowladda ku wado doorashada Hirshabeelle, isla markaana Musharaxiin Madaxweyne kuxigeen ka yimid Muqdisho lagu wargeliyay inay isaga soo baxaan shirka oo aanay is sharixi karin.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa ka mid ahaa Musharaxiinta u taagnaa Madaxweyne kuxigeenka, waxaana la sheegayaa in dowladda ku wargelisay inuu isaga soo baxo Jowhar, isla markaana aanu is sharaxi karin.

Cabashada ka soo yeereysa Musharaxiinta qaar ayaa la xiriirta inay jiraan Musharaxiin gaar ah oo ay wadato dowladda, gaar ahaan Madaxtooyada, waxaana lagu eedeeyay in doorashadii xalay ee Guddoonka Baarlamaanka inay door ku lahaayeen xubnihii la doortay.

warkan waxa leh    jowhar.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *