Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciiddamo katirsan Ahlusunna oo gudaha u galay magaalada Guriceel

 Ciidamo katirsan Ahlusunna ayaa gudaha u galay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo  ay haatan ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo ku faraxsan dib usoo laabashada  xooggaga Ahlusunna.
Lama soo sheegin wax dagaal ah oo magaalada gudaheeda ka dhacay, waxaana wararka ku helaynaa in ciiddamadii dowladda federalka ee ku sugnaa magaalada Guriceel ay isaga baxeen.
Qabshada Guriceel waxay ka dambeysay maalin kahor dagaal culus oo Ahlsunna iyo ciiddamada dowladda ku dhexmaray tuulada Bohol oo 20km u jirta magaalada Dhuusomareeb.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *