Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DAAWO: Raysal wasaare Khayre oo Soodhowayn Cajiib ah Kala Kulmay Shacabka magaalada Marka (Sawirro)

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta si Balaadhan loogu soo dhoweey magaalada Marka, ee Xarunta Ganacsiga maamulka Koonfur Galbeed, Kana mid ah magaalooyiinta Faca-wayn ee Soomaaliya.

Khayre ayaa soo dhowayntiisa waxaa isugu soo baxay Boqolaal kamid ah Shacabka deegaanka, kuwaasi oo Ruxayey Caleemo Qoyan iyo Sawirka Raysal wasaaraha.

Meel-Fagaare ah ayuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ugu jeediyey Raysal wasaare Khayre shacabka soo dhoweeyay.

Magaalo Xeebeedka Marka ayaa kasoo Kabatay Colaadii deegaanka Ragaadisay, kadib Heshiis Taariikhiya uu Madaxwayne Farmaajo uu Gadh-wadeen ka ahaa, Kaasi oo lagu soo Afjaray Colaadii, Islamarkaana lagu Qarameeyay Ciidamadii deegaanka oo Hal-Cadow yeeshay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *