Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Daawo Sawirro: Socdaalka Nabadda: Ergooyinkii ka yimid Jigjiga oo gaadhay Saaxdheer iyo Deegaano kale

Laascaanod  ( Kalshaale )   Waxaa soo gaadhey Magaalada saaxdheer ee koonfurta gobolka sool wafti uu hogaaminayo Garaad Maxamed Garaad Kulmiye Garaad Dool iyo dhamaan ergooyinkii gogsha nabada ku soo afjarey magaalada Jig jiga iyo Cuqaasha Beelaha BAHA-KHAYR .

Waftigan ayaa ka soo kicitimey magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlada deegaanka Soomaalida ,  Waxaana maalnimadii shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Saaxdheer , iyadoo uga soo gudbey maanta magaalada Kalabaydh .

Ujeedka Socdaalkan ayaa ah in lagu maro dhamaan deegaanada ay ka dheceen colaadaha ,Waxaana hogaaminaya gudigii ergada ee labada dhinac , iyadoo uu hogaaminayo Garaad Wiil Waal .

Waxaana lagu wadaa in ay soo gaadhaan magaalada Laascaanood marka ay soo dhameeyaan dhamaan deegaanadaasi.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *