dabley hubaysan ayaa weerara ku qaaday saldhiga booliska,,,
|
Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhiga booliska ee Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.Ciidamada amaanka ee ku sugnaa Saldhigaasi ayaa iska caabiyey weerarkaasi ,ka dib markii in muddo ah ay rasaastu soconeysay ayaa ciidamada amaanku ka xoog roonaadeen dableydii soo weerartay saldhiga .
Af hayeenka gobolka banaadir Abdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamadu dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday,maydkiina ay halkaa kaga carareen.
Afhayeenku wuxuu ciidamada amaanka ku amaaney sidey isaga caabiyeen cadowga soo weeraray saldhiga,isagoo kulana dardaarmay inay sii kor dhiyaan howshaas ay ummaddooda u hayaan hadh iyo habeen.