Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dagaal culus oo dhexmaray ciidanka Somaliland iyo jabhada Faysal Falaalug uu Hogaamiyo ! [Faah-Faahin]

Dagaal xoogan ayaa maanta  ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa jabhada xoraynta SSC ee uu Hogaamiyo Faysal Falaalug, Waxaana dagaalku ka dhacay Deegaanka Gambadhe ee gobolka sool.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya ayaa Xaqiijinaya inay Jirto Dhimasho iyo dhaawac  laba dhinacna soo gaadhay,  sidoo kale gawaadhi dagaal ayaa lagu kala qabsaday.

Dagaalka ayaa bilaabmay kadib markii jid gooyo loo sameeyey ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland, Iyadoona  Goobta dagaalku ka dhacay  laascaanood u Jirto 28-km.

Dhinaca kale Waxaa magaalada Yagoori ee Gobolka Sool Xalay lagu dilay  Sarkaal lagu magacaabo Dhegawayne oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland Qaybta 7-aad, Waxaana dilkiisa ka dambeeyay Askari kamid ah Ciidanka Somaliland.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *