Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dagaal ka dhacay Garoonka Kismaayo iyo Diyaarad ku guban gaadhay [Wararkii u danbeeyay]

Ugu yaraan Sadex Qof ayaa ku Dhaawacmay Israsaaseyn kooban oo goor dhowayd ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kadib markii Ciidamada maamulka Jubaland ay isku dayeen in ay Baadhaan Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah Musharixinta u tartamaya Xilka Madaxtininada Jubaland Xili uu kaso degay Garoonka Kismaayo.

Seeraar iyo ilaaladisa aya ka Biya diiday Baadhitaanka waxaana taasi ay sababtay in Rasaas ay isweydaarsadan Ciidamada Amaanka iyo kuwii Ilaalinayay Cabdi Nasir Seeraar.

Xabadii way istaagtay hada Cabdinaasir Seeraarna boorsooyinkiisii oon la baadhin buu gudaha la galay kadib markuu awood sheegtay.

Wararka intaas waxa ay ku darayaan in Diyaaradii siday Cabdinaasir Seeraar ee Blue Sky ay guban gaadhay dhinaca kalana ciidanka AMISOM ee Airportka jooga ayaanan soo faragalin Dhacdadan.

Lama oga waxa uu xaal ku danbayn doono iyo gudaha magaalada la isku farasaari doono iyo inkale, laakiin waxaan rajaynayaa maadaama bil Ramadaan lagu jiro in caqligu shaqeeyo oo halkaas laagu damiyo dhacdadii garoonka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *