Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dagaal Kale oo ka dhacay Guriceel iyo dhuusamareeb Wararkii ugu dambeeyay iyo sida xaalku yahay hadda[Warbixin]

Dagaal kale oo u dhexeeya Ciidamada dowladda DFS iyo Ahlu-Sunna uu ka billowday magaalada Guriceel, Kadib markii  Koox hubeysan oo ka tirsan Ahlu sunna ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Booliiska Magaalada Guriceel Gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Dadka deegaanku waxay sheegeen  in koox hubeysan ay weerar ku qaaday Saldhigga, xili ay ku sugnaayeen saraakiil iyo Ciidamo katirsan DF-Soomaliya, Waxaana Jira Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo kala gaadhay labada dhinac, waxaana la maqlayaa rasaasta ay isweydaarsanayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Weerarka lagu qaaday Saldhigga Guriceel ay hogaaminayaan saraakiil katirsan Ahlu Sunna oo horay ugu mid ahaa Maamulka Ahlu sunna kahor inta aan Ciidamada Dowladda loo gacan gelin Ammaanka.

UPDATE : Ciidamada Nabad Sugidda Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guud ahaanba la wareegay Amniga Saldhiga Booliska ee la weeraray, Waxay sidoo kale Wax la qabtay iyo wax ay dileen ka dhigeen Maleeshiyaadkii Weerarka kusoo Qaaday Saldhiga, Waxayna sheegeen inay Maxkamad soo taagi doonaan kuwa lasoo khalday, sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay kuwa sugan yihiin Ciidamada DFS, Kuwa Galmudug iyo Ahlu sunna, waxaa maanta ka socda iska hor imaad dhexmaraya, wali si dhab ah looma oga waxyaabaha sababay isku dhaca labada dhinac.

Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Ahlusunah  ayaa ka xooggan dagaalkii xalay ka dhacay magaalada oo ahaa mid kooban.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay dhabarka dambe ee Hotelka caanka ah ee Midnimo oo ku yaalla badhtamaha magaalada, Waxaana Dadka deegaanka sheegayaan in dagaalka labada dhinac uu yahay mid ay isu adeegsanayaan madaafiicda hoobiyeyaasha ah.

Labada ciidan ee dagaalamaya ayaa goobaha ay difaaca uga jiraan ka ridaya rasaas culus iyo qoryaha B10 iyo qoriga RBG, waxaana dadka deegaanka ay goor hore oo xalay bilaabeen inay ka barakacaan.

Ahlusuna iyo maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka ku soo qaaday, Waxaana Jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac kala gaadhay Labada dhinac.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa baaq nabadeed h diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb.

“ Waxaa ayaan daro ah maanta colaada ka oogan Dhuusamareeb, waxaa aad ii damqaya Shacabka waxyeelada kasoo gaartay ee korkeeda lagu dirirayo Dowlada Fedraalka iyo Ahlu Suna waxaan ugu baaqaayaa in la joojiyo dagaalka oo xal aan qori aheyn wax lagu raadiyo.

Waxaan ka codsanayaa Odoayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo dhamaan ree Galmudug in loo kaco daminta colaada iyo xalka Galmudug, “Kugu-dhimayoo-kaa-dhimay waa huq” Ayuu yidhi Odowaa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *