Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye,kaasoo u dhexeeya alshabaab iyociidamada dowlada

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay gelinkii dambe xoogag ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Weerarka ayaa lala beegsaday fariisin Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Buundada yar ee degmada Afgooye, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo argagax ku riday shacabka degmadaas oo xiligaas hurdayey.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalkan oo socday ku dhawaad hal saac uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ugu yaraan saddex ruux oo laba ka mid ah ay yihiin askarta dowladda ayaana la xaqiijiyey iney ku dhinteen halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay caabiyeen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab ayna u geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa iyana dhinacooda ku sheegay war ay ku faafiyeen bogaga taageera in weerarka ay ku qaadeen degmada Afgooye ay ku dileen 5 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, isla markaana ay muddo kooban la wareegeen degmada Afgooye.

Xaalada degmada Afgooye ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo halkaas ka wada howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka, iyadoo shacabka degmadaas oo xalay cabsi xoogan ay soo wajahday ay saaka si weyn u hadal hayaan dagaalkii xalay

Degmada Afgooye ayaa mudooyinkan ku soo laalaabtay weeraro ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaado kuwaasoo geysta khasaare nafeed oo soo gaara ciidamada dowlada, kuwa weerarka soo qaaday iyo shacabka degmadaas ku nool.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *