Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dagaalkii magaalada dhuusamareeb oo la soo afjaray

Muddo laba maalmood ah waxaa ka socdey magaalada dhuusamareeb dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka gobolada dhexe iyo ciidamo uu hogaaminayey liibaan madaxweyne oo hogaaminaayey ciidamo markii hore ka soo goostay  dhinaca cadaado ,ka dib markii loo diidey Axmed Cabdisalaan iyo odayaal la socdey .iney yimaadaan magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal keeney dhimasho iyo dhaawac ka dib ayaa lagu hareereeyey meel ka mid ah magaalada dhexdeeda Liibaan madaxweyne iyo ciidamadii uu hogaaminaayey.Ciidamada maamulka gobolada dhexe  ayaana Liibaan gacanta ku dhigay isagoo dhaawaca , ka dibna waxaa loo qaaday magaalada Guriceel dhakhtar ku yaala si loogu daweeyo.Magaalada xaaladeeduna waxay ku soo noqotay noloshii caadiga u ahayd dadka ku nool.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *