Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dalka jabuuti waxaa ka furmay Wajigii labaad ee wadahadalada Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna

Wararka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wajiga labaad ee wada hadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna  uu goordhow  si rasmi ah uga furmay Magaalada Jabuuti, waxaana garwadeen ka ah Urur Goboledka IGAD.

Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Maamulka Galmudug ayaa wadahadaladan waxaa ugaga qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle waxaana ka mid ah Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey halka Ahlu Sunna uu  hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Is aragii koowaad ee labada dhinac uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa haddana qaybtii Labaad ee shirkan oo rajadiisa ay tahay mid wanaagsan waxa uu goor dhow ka furmay dalka Jabuuti.

Shirkan ayaa la rajeynayaa in laga gaaro is faham ah in maamulka Galmudug ay ku soo biiraan ururka Ahlu Sunna kuwaasoo gacanta ku haya magaalo madaxda Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *