Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dalka kiiniya oo yeeshay laba madaxweyne ,rail odinga ayaa loo dhaariyey madaxweyne labaad

 Rail Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay in uu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

“Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.

     Xaflada dhaarinta oo socotay muddo ka yar  ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

Raila Odinga ayaa saddex bilood kahor sheegay in la xaday doorashada dalka Kenya waxaana jirta cabsi ku aadan dhanka ammaanka iyadoo ciidamada Booliskana ay meel sare kala socdaan waxa ka dhacaya magaalada Nairobi.

Hogaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa sheegay in saddex jeer oo is xig xigtay doorashooyinkii dalka ka dhacay lagu shubtay. waxaanu  diiday in uu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *