Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

danjiraha u fadhiya dowladda turkiga u fadhiya somaliya ayaa beeniyey in dowladdiisu aqoonsatay baasaboor ay leedahay maamulka somaliland

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Olgan Bekar oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa beeniyay in Turkigu uu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, sidoo kale wuxuu shirkiisan jaraa’id kaga hadlay arrimo kala duwan. Olgan Bekar ayaa ugu ka warbixiyay isku-daygii afgambi ee bishan ka dhacay Turkiga iyo qaababkii uu u abaabulnaa, isagoo xusay inay ka dambeysay koox uu ku sheegay FETO oo Argagaxiso ah, waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Danjiraha ayaa uga Mahad-celiyay Xukuumadda Soomaaliya sidii ay u cambaareysay In-qilaabkaas, wuxuuna ka mahad-celiyay dibadbaxiyadii ka dhacay Muqdisho ee falkaas lagu diidanaa. “Xukuumadda Somalia waxaan uga mahad-celinaynaa cambaareynteedii In-qilaabkii dhicisoobay ee ay maleegayeen koox argagixiso oo lagu magacaabo FETO, wuxuu u abaabulnaa qaabab dhawr ah,” ayuu yiri danjire Olgan Bekar. Hawlihii ay dalka ka haysay Hay’adda NILE ee la eryay oo wax laga weydiiyay ayuu danjiruhu sheegay in Xukuumadaha Somalia iyo Turkiga sida ugu dhaqsi badan ay uga wada-shaqeyn doonaan loo sii wadi lahaa hawlahaas. Danjiraha ayaa sidoo kale, wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan xilliga dib loo furi doono dugsiyadii waxbarasho ee ay gacanta ku haysay NILE Academy, isagoo carrabka ku dhuftay in ardaydii iskuulladan wax ka baranayay ay sidii hore waxbarashadooda u wadan doonaan. Wuxuu kaloo safiirku sheegay in Isbitaalka DEVA oo ay NILE maamuli jirtay dib loo fudi doono bisha Ogoosto ee soo socota, wuxuuna xusay in howlihii uu hayay Isbitaalka uu halkiisa kasii socon doonaan. “Bukaannadii ku jiray Isbitaalka DEVA waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfeer) ee Muqdisho,” ayuu Hadalkiisa ku daray Danjire Olgan Bekar. Isagoo ka hadlayay Arrimaha Somaliland ayuu danjiruhu wuxuu mar kale yiri. “Ma aqoonsan baasaboorka Somaliland. Sidaad la socotaan waxaan wadnaa heshiiskii Somalia iyo Somaliland ah, Annaga Somalia hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaana ka shaqeyneynaa Somalia inay hagaagto oo ay mid ahaato. Dadka ku nool Somaliland iyo Somalia waxay noo yihiin hal shacab, waxaana rabnaa in Somalia ay noqoto waddan qura.” Dhanka kale safiirka ayaa sheegay in baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin sida kaararka aqoonsiga oo kale, Qunsuliyaddooda Hargeysa ku taalana ay ku bixiso dal-ku-galka warqad. Ugu dabmeyn, Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Ardayda Soomaaliyeed ku heysato Turkiga, markii uu af-gambiga dhacay, gaar ahaan Ardayda wax-ka-barta Jaamacadaha ay maamulaan hay’adaha taageera Fethullah Gulen ayuu kaga jawaabay. “Jaamacadaha Gullen waa xirnay, Dowladda ayaa go’aan ka gaartay, ardaydaas waa loo wareejinayaa Jaamacado kale, taasina wax dhib ah ma lahan, waxaanan Arrintaan –

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *