Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dawladda Germany oo $73-Milyan ugu deeqday dalka Soomaaliya

Dowladda Germany ayaa waxaa ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $73 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Annett Gunther, oo ah Danjiraha Germany ee Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagtaasi tahay mid lagu taageero hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

lacagtaas oo ay shalay ku dhawaaqday ayaa ku soo aadday xuska midowgii labada Germany oo lagu qabya Muqdisho.

Annett Gunther, ayaa sheegtay in Germany oo xoojineysa xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya ay labada sano ee soo socota bixin doonto lacagtaas.

Lacagahaas ayey sheegtay in ay ku taageerayaan hay’adaha maaliyadda Soomaaliya si fursado loogu abuuro dhallinyarada una helaan tababarro, xirfado cusub, iyo dhismaha Waddooyinka dalka.

Waxaa ay soo dhaweysay horumarka ay sameysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sida ay sheegtay horumar weynka sameysay dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *