Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dawladda Kenya oo Baajisay Shir uu NAIROBI ku Qabsan Lahaa Siyaasiga C.raxmaan C.shakuur | Muxuu ka yidhi

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya laamaha amaanka Dawladda Kenya ayaa maanta joojiyay munaasabad uu Halkaasi ku Qabsan lahaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo Munaasabad lagu so dhaweyn lahaa Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxaan C/shakuur, munaasabada ayaana lagu waday in 1-da Duhurnimo ka dhacdo hoolka Sir Cali Muslim Club ee Nairobi.

Dadkii ku sugnaa hoolka munaasabada ka dhici laheyd iyo kuwa kusoo jeeday ayaa lagu wargaliyay in guryahooda ku laabtaan, mana sheegin laamaha amaanka dalka Kenya sababta munaasabadaasi loo joojiyay.

Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur oo dhawaan xayiraada dhinaca safarka ah ka qaaday dowlada Soomaaliya ayaa tagay magaalada Nairobi, Wuxuuna goor dhowayd ku eedeeyay Shirka ay Dawladda kenya ka baajisay Xukuumadda Soomaaliya inay ka dambayso Wuxuuna yidhi ”

“Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh. “

Si kastaba Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale , ayaa horey u sheegay in dowlada Kenya aysan marnabo ogolaan doonin in dalkeeda lagu qabto shirar lagu mucaaraday somaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *