Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dawladda Somalia oo Waxba kama jiraan ku sheegtay Shirkii Nairobi iyo Wadahadalka Somaliland

Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula yeelan doonto Somaliland, Kaasi oo Warbaahinta ay u sheegeen  Masuuliyiinta Somaliland.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo.”

Wadahadalka u dhexeeya Dawladda dhexe iyo Somaliland ayaa Muddo Hakad ku jiray, Mana jirto wax Kulamo toos  oo ay yeesheen Labada dhinac.

Dad badan ayay la yaab ku noqotay in Kenya oo Xiisad kala dhaxayso Somaliya in  Xiligan lagu Marti geliyo Wadahadal u dhexeeya Soomaalida, islamarkaana looga hadlo arimaha masiiriga ah ee dalka.

Kulankan Noqday waxba kama Jiraanka ayaa la sheegay inuu soo Qaban Qaabiyey NGO, Waxaana warbaahinta la wadaagay Xubno ka tirsan Somaliland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *