Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF-Somalia oo go’aan ka Qaadatay Labadii Madaxwayne ee Kismaayo maanta Lagu doortay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay  Laba Doorasho oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, Kuwaasi oo Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig loogu kala doortay Laba Madaxwayne oo Hogaamin doona Maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay ineysan Aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

Ugu dambayntii DF Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *