Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF Somalia oo ka hadashay dagaalkii Muqdisho iyo in Weerar lagu qaaday Xasan Sheikh

Qaybo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa  Galabta ka dhacay dagaalo u dhexeeya Ciidamada Dawladda iyo Maleeshiyaad Hubaysan, Waxaana Wasiirka amniga  DF Soomaaliya Xasan Xundubey uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo afjartay Kooxo lasoo abaabulay oo maanta Muqdisho amni daro ka sameeyay .

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale  Beeniyey in Weerar lagu qaaday   Madaxwaynihii Hore  ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

“Madaxwaynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud  Tan iyo markii uu Xilka wareejiyey 2017, Waxaa Waardiye u ah Ciidamado ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya, Ma jirto Cid weerar ku qaaday, waa in Runta loo soo noqdo.” Ayuu yidhi Wasiir Xundubey oo ugu baaqay Xasan sheikh inuu Tusaalle ka dhigto Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan ( Aadan Cadde).

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale ugu dambayntii Fariin u diray Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, Wuxuuna ugu baaqay inaysan Qayb ka noqon dagaalo meelo kale laga soo Xawilay.

“Dagaalka muqdisho loo soo rarayo waa dagaal ay wataan Dawlado shisheeye, oo Dad Soomaaliyeed ay dilaal ka yihiin”. Ayuu yidhi Xundubey.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *