Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF Soomaaliya iyo Ahlusunah oo Heshiis ka gaadhay Khilaafkii ka taagnaa Dhismaha Galmudug

Waxaa heshiis laga gaadhay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ee ku aadanaa arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Wada hadalo maalmihii la soo dhaafay u socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa kama dambeys waxaa saaka laga gaadhay heshiis buuxa, iyadoo la xaliyay tabashooyinkii dhanka Ahlusuna iyo caqabadihii ku hor-gudbanaa geeddi socodka dhismaha maamulka Galmudug.

Ahlusuna ayaa loo ogolaaday 20 kursi oo Xildhibaanada oo ah qoondada Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ka imaanaya 89 kursi ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana qodobkan ahaa kan ugu weynaa ee ay isku hayeen dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, maadaama Ahlusuna dalbaneysay in la siiyo 35 kursi oo qeyb ka ahaa heshiiskii hore.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *