Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF Soomaaliya oo soo saartay Waaran Caalami ah oo lagu soo xidhay C.rashiid Janan

DF Soomaaliya ayaa soo saartay waaran caalami ah (International Warrant), oo ku dooneyso in loogu soo gacan geliyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday xabsi uu kaga jiray Muqdisho.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *