Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhacdo Murugo badan: Nin Xaaskiisii Hore ku dilay magaalada Laascaanood iyo Siday wax u dhaceen (Warbixin)

 Dhacdo Murugo badan ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood,  Waa Qisada ee dilka Salma cabdilahi yuusuf oo maydkeeda duleedka Laascaanood laga helay saaka.

Xasan oo ah saygii hore ee salma ayaa shalay galab taleefan ku wacay salma si ay ukulmaan, Xasan ayaa gaadhi kasoo kaxaystay nin ay saaxiib yihiin kadibna wuxuu utagay salma isagoo u ka xaystay dhanka buurta sayidka oo Laascaanood kaga beegan dhanka koonfur bari, isagoona salma halkaas Ku dilay kadib gaadhigii uu watay Ku dhex xidhay furihiina tuuray.

Markaas kadib  maxaa dhacay!!!

Xasan wuxuu lasoo xidhiidhay ehelkiisa wuxuuna usheegay inuu salma dilay kadibna taleefanka ayuu dansaday. Intaas kadib salma ayaa la baadi goobay taleefankeedii ayaa la wacay balse lama qabanayo isagoo markii danbe damay.

Saaka ayaa Lala xidhiidhay shirkada Telesom iyadoo numberkii salma lagu raadiyey GPS ka waxayna Shirkadu sheegtay inuu yaalo Agagaarka buurta sayidka.

Baadi doon dheer kadib waxaa lahelay gaadhigii oo meel yaala balse waxaa la waayay furihii gaadhiga, wiilkii uu Xasan gaadhiga ka kaxaystay oo isna baadi doon Ku jiray ayaa keenay fure Labaad (Spare)  oo Uu hayay iyadoona kurisga hore gaadhiga loogu tagay salma oo la dilay.

Maydka salma ayaa lankeenay cisbitaalka magalaada Laascaanood lamana oga sababta uu saygeedii hore udilay.

Salma waa hooyo udhashay xasan gabadh sida sawirka ka muuqata. ilaali laahi wa inaa ilayhi raajicuun.

W/Q: Mukhtaar Cabdi Jaamac

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *