Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhagayso: Aadan Barre Ducaale “Ninka raba inuu Nairobi ku mucaarado dowladda Farmaajo uma ogolin”

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa u digay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay shirar ku qabtaan magaalada Nairobi.

52

HoggaamiyeAadan Ducaale ayaa tilmaamay in dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha ayaa yiri “Dowladda Kenya xiriir weyn ayaa kala dhaxeeyo dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre waa ka dambeeynaa, ninkii raba inuu meelaha ka mucaarado dowladda Kenya ma ogolo, fursad hala siiyo ayaa leenahay yaan kabaha lala korin”

Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ay u ogol yihiin inay Nairobi yimaadaan, kuna nastaan, balse aysan ogolaan doonin inay dowladda ku mucaaradaan.

Aadan Barre Ducaale ayaa intaas kusii daray “Halkaan Nairobi uma ogolin inay ku mucaaradaan, hadii ay rabaan Jabuuti, Addis Ababa iyo Dara salama ha aadaan, hana ku mucaaradeen”

Dhagayso Aadan Ducaale oo u digaya mucaaradka DFS

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *