Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DHEGAYSO: Wasiir Cawad oo ka hadlay Kulankii dhexmaray Madaxwayne Biixi iyo Wasiirada DF ee dalka Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan dalka Saudi Arabia ay kula yeesheen wafdigii ka socday Somaliland uu horkacayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

‘’Annaga iyo madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa waxaan wada-degeneyn hal Qasri, waxaan isku aragnay oo aan ku kulannay Masjid, Annaga ayaa u tagnay oo Salaan ugu tagnay , Runtiina waxaa uu madaxweyuhu noo soo dhaweeyay si qalbi furan oo Soomaalinimo ah, wixii xiligaa ka danbeeyayna meelo kale oo badan ayaan isku aragnay, kulanku wuxuu ahaa mid salaam oo kaliya ah, waxaan arkayay meelaha qaar dad Soomaaliyeed oo ka hadlayay kulanka oo waliba siyaasadeynaya, wax siyaasad ah oo aan ka wada hadalnay ma jirto, fasaxna uma heysan wafdiggeena dowladda Soomaaliya in aan siyaasad ka hadalno’’ ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Laakiin Wasiir Cawad meesha kama uusan saarin kulankii dhaxmaray labada dhinac uu noqon karo mid jawiga siyaasadda wax ka badali kara, madaama maalmihii ugu danbeeyay hawada leysku marinayay hadalo siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn.

‘’Dabcan kulankan jawigii hore waxbuu ka badali karaa, Anniga shaqsiyan madaxweynaha isma eynaan aqoonin, laakiin markii aan la kulannay waxaan ogaanay in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo wanaagsan oo wax cuqdad iyo shaki ah toona qabin, marka kulankan wuxuu bilow u noqon karaa in uu meesha ka saaro jawiggii hore ee kala shakiga ayuu yiri’’ Wasiir Cawad.

Kulanka wafdiga labada dhinac ayaa u muuqday mid dood adag oo siyaasadeed abuuray, iyadoo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dhankoodaka hadlay sheegeen in wafdiga uu horkacayay madaxweyne Biixi looga fadhiyo jawaabta kulankaa iyo waxa uu daarannaa.

Wasiir Cawad Wuxuu sheegay in Xukuumadda Somalia ee ay Hogaamiyaan Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre aysan wax dhibaato ah la Jeclahayn dadka Soomaaliyeed ee degan Somaliland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *