Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhegeyso Mudane Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Gablax oo u warramay Golaha 1960

Waraysi xiisa badan oo Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee 1960 la yeeshay Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Gablax, siyaasi bisil oo ka warramay arrimaha isbeddelka siyaasadda Soomaaliyeed, meeshuu ka bilaabay hammigiisa siyaasadda iyo guud ahaan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Gablax ayaa ka soo shaqeeyey Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed Dawladdii Kacaanka, wuxu kaloo sheegay inuu noloshiisii dambe mar ku noolaa Waqooyiga America. Waa qoraa buug qoray buug siyaasadda ka hadlaya.

Mudane Gablax oo hadda ka hor u tartamay xilka Madaxweynenimo ee Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, sannaddii 2012-kii, inkastoo xilkaa aanu ku guulaysan, wuxu hoosta ka xarriiqay inuu ka mid yahay dad fara ku tiris ah oo ku hawlanaa in isbeddel siyaasadeed oo nidaamsan loo gaadhsiiyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wuxu siyaasigani ku dheeraaday siyaasad guurka Soomaaliya dawladdeeda Fadaraalka iyadoo la saadaalinayo in la helo dawlad bedesha tan imminka wakhtigeedu gabaabsiga sii yahay sannadda 2016.

Halkan hoose ka dhegeyso:

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *