Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhegeyso: Xildhibaan Baarlammaanka Fadaraalaka ah Cabdiladiif Muuse Sanyare


Xildhibaan Cabdiladiif Muuse oo ku magac dheer Sanyare ayaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee 1960 uga warramay arrimo fara badan oo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan rajada uu ka qabo in dawlad loo dhan yahay dalku heli doono doorashooyinka 2016 ee bisha August iyo September ee sannadka foodda inagu soo haya.
Weriye Dhegood oo su’aalo badan weydiiyey Xildhibaanka, ayaa weydiiyey sidoo kale khilaafka ka imanaya sal u dhigidda dawlad goboleedyada la rejeynayo inay ka hana qaadaan dalkoo dhan ka hor doorashooyinka. Dhinaca kale sidii lagu xallin karo khilaafaadka ka dhex jira kuwa hadda yagleelan; doorka Golaha Baarlammaanka ee isagu ka mid yahay iyo weliba guuldarrada loo filayo inay ka imanayso dhanka golaha uu ka tirsanyahay Xildhibaan Sanyare. Habka 4.5-ka iyo degaan ku salaynta muranka u dhexeeya iyo arrimo fara badan oo kale. Dhegeysi wanaagsan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *