Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DhoobaDaared oo Badhan Lagu soo dhoweeyay iyo Olole ka dhan ah aaran jaan

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa maanta gaadhay degmada Badhan gobolka Sanaag

Shacabka degmada Badhan oo taageero u muujiyey ayaa u soo banaanbaxay soo dhoweynata guddoomiye Cabdixakiin Dhoobo, iyadoo  Boqolaal dadweyne ah  ay qeyb ka yihiin odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland ku soo dhaweeyeen halkaasi.

Dhoobo Daareed oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Badhan soo dhoweynta ballaadhan ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan.

Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen guddoomiye Dhoobo Daareed xildhibaano gaaraya 49 Mudane ayaa wuxuu ku laabtay gobolka  Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedo oo sheegtay  inay ka tashan doono aayaheeda Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *