Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dilal kala duwan oo loo geystey ergooyinkii doorshooyinka ee magaalada jowhar.

Muqdisho  Sida ay Xaqiijiyeen Dad Goobjoogeyaal ah Waxaa maanta Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde waxaa lagu dilay mid kamid ah Ergadii Magaalada Jowhar ku soo dooratay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Allaha u Naxariistee Marxuunka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Cali, Waxaana la sheegay inuu Dilka Geystay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyadoo Askarigii Dilka Geystay la xiray sida ay Xaqiijiyeen Dad goob jooga yaal ah.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degmada Kuntuwaarey ee isla Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaa lagu dilay Wiil uu dhalay Nabaddoon Caan ka ah Gobolka Shabellaha Hoose oo la yiraado Xasan Abuukar Xasan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *