Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

diyaarad milateriga turkigu leeyahay ayaa loogu qaaday dhaawacii muqdisho dalka turkiga

Diyaarad militari oo laga leeyahay Turkiga ayaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho kuwaa oo dalka waxba looga qaban waayay xaaladooda caafimaad.

Dadka oo gadiidka gurmad deg deg ah looga qaaday isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhab ahaan lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada la qaaday, balse waxaa la filayaa in ay gaarayaan ku dhawaad 40 ruux.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhaawacyo kale la qaado, iyadoo gurmadka uu yahay mid aan kala go’ laheyn.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa saaka soo gaaray Muqdisho, si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *