Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Diyaarad Siday Ciidamada Gor-gor ee DF-Somalia oo ka degay Dhuusamareeb iyo Xog ku saabsan

Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug  waxaa maanta kasoo degtay Diyaarad sida 60 askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa GorGor oo ka tirsan Ciidanka Danab ee Soomaaliya.

Ciidamada ay Dawladda Soomaaliya Gaystay Dhuusamareeb ayaa Wararka Qaar sheegayaan  inay hordhac u yihiin Wafdi uu hoggaamiyo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb, Waxaana Ciidamada la dajiyay xerada 21aad halka kuwii horay ugu sugnaa laga saaray, ku waas oo haatan Gaadiidkooda Dagaalka la arkayo Gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan lagu arkay Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wata Taliyaha qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil ka tirsan guutada 15 aad ee qaybta 21 aad ku waas oo lagu aas aasay Ciidankii Ahlusunna ay ku wareejisay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Ciidankan ayaa ku biiraya boqool kale oo Dowlada Soomaaliya Gaysay Dhuusamareeb si ay ugu qayb qaataan sugida Amaanka Magaalada Dhuusamareeb oo la qorshaynayo in lagu qabto Doorashada Madaxtimada iyo  tan baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Waxaana Maanta Degan Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb Ee Caasimadda Galmudug ka dib wada-hadal aan toos ahayn oo ay yeesheen Masuuliyiinta Ahlusunna iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku wada sugan Magaalada , Dhinacyadan ayaa ka wada hadlay in laga sheeqeeyo ilaalinta Nabad-galyada Caasimada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *