Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Doorashada Koonfur Galbeed: Wasiir Lafta Gareen oo is casilay iyo Mukhtaar Roobow oo go’aan laga qaatay (Sawiro)

Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo ahaa wasiirkii Tammarta iyo Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta Baydhabo ma sheegay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre.

Lafta gareen ayaa sheegay in uu u tartamayo doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed sidaas darteedna uu isku casilay.

Waxa uu sheegay in wax wanaagsan uu ka filayo doorashada dhacaysa 17ka November,waxaana uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu guda galayo ololihiisa rasmiga ah ee doorashada isla markaaana gudiga doorashada u gudbinayo araajida laga doonayo murashaxa u tartamaya hogaanka ugu sareeya Koonfur galbeed.

Dhinaca kale Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta si rasmiya loo gudoonsiiyay shahaadada aqoonsiga ah ee uu kaga qaybgalayo tartanka loogu jiro doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhacaysa bishaan aan ku guda jirno, Roobow waxa uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay ee buuxiya shuruudaha doorashada ee looga baahan ahay musharaxiinta.

Sheekh Mukhtaar oo maalmihii danbaa ku sugnaa Baydhabo ayaa waday ololihiisa doorashada isagoo la kulmayay qaybaha kala duwan ee bulshada, hadii uu guuleysto wuxuu balan qaaday in uu wax ka qaban doono arimaha Amniga, waxbarashada , caafimaadka iyo isku furida wadooyinka ee deegaanada Koonfur Galbeed,

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *