Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dowlada Federaalka Oo Mar-kale Qaadacday Aqoonsiga Doorashada Jubbaland.(Akhriso)

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqeedii hore ee ahaa in marnaba aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland tan Baarlamaanka iyo madaxweynaha intaba.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la aqbali karin sida loo waddo hannaanka doorashada dowlad gobolleedka Jubbaland, waxaana ay intaa ku dartay in marnaba aan la aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada oo baalmarsan qoddobada ay Wasaarraddu u dajisay la raaco.

Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa imanaya xili maanta magaalada Kismaayo lagu doortay guddoonka Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland oo dhamaantood loo doortay Guddoonka Baarlamaankii hore ee waqtigiisu dhamaaday, taasoo ay dad badani u arkayaa in ay tusaale u tahay Guul Axmed Madoobe ka gaari karo doorashada soo socta ee madaxweynaha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka 

This website uses cookies to improve your experience. We’ll assu

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *