Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dowlada Jarmalka oo ka hirgelinaysa Mashaariic horumarineed dalka Soomaaliya iyo heshiis lagu kala saxeexday muqdisho

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday heshiis lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed wadanka Soomaaliya oo haatan ka soo kabsanaya burbur xoog leh oo gaaray labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed iyo Dr. Stefan Oswald oo  Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan  Qaaradda Africa ayaa labada dowladood u kala saxiixay heshiiskan oo aan si rasmi ah saxaafada loogu soo bandhigin.

Kulan ay yeesheen labadan mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyagoo kala saxiiday heshiiskii ugu horreeyay  oo toos ah 30 sano kadib.

Heshiiskan ayaa waxa uu ku saabasan yahay barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga X. F. S. Jamaal Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Heshiiskan uu yahay mid taarikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonta mashaariicda ku dhax jirta heshiiska.

“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka faa”iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi  lagu sameysto waa dal ku yeelo meel wanaagsan. Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.

Dalka Jarmalka ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada reer galbeedka ee mashaariicyo kala duwan hore uga hirgeliyay dalka Soomaaliya.

jowhar

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *