Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowlada puntland oo ka hadashay ururka alshabaab ee garacad yimid

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen xubnaha golaha Xukuumada ee Puntland uuna shir gudoominayey Madaxweyne kuxigeenka aha Kusimaha Madaxweyne AbdiHakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir Jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqey in dawladda Puntland difaacayso jirinteeda iyo amniga guud ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay dadweynuhu is dajiyaan, wuxuuna eedeyn u jeediyey Wasiirku dawladda Faderaalka iyo dhinacyo uusan magacaabin oo ku sugan dhinaca Koonfurta ee Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *