Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowlada somaliya maxay ka tiri ciidamada dowlada imaaraadku tababaraan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay ciidamada uu Imaaraadku tababaray ee ku sugan xero ku taala magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadaasi yihiin kuwo mishaaraadkoodu bixiyaan Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa inta a ku daray in ciidamadaasi ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, dhawaanna loo isticmaali doono howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Dowladda ayaa lagu eedeynayaa in aysan ka warqabin ciidamadan oo dadka dhaliila dowladda tilmaamaayaan in ay yihiin kuwo si gaar ah Imaaraadku ugu fushadaan danahooda gaarka ah, waxaana lagu eedeynayaa in ay ka danbeeyeen weerarkii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Guriga Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka ay marwalba ka fuliyeen Gobolada dalka soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya lasii ballaarin doono maadaama Al-Shabaab aan looga adkaan Karin in dhulka kaliya lagala dagaalamo ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale waxa auu sheegay in Saraakiisha Mareyknka uu kala hadlay in ay bartilmaamedsadan kaliya Goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab si asyan waxyeelo u soo gaarin dadka Shacabka ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *