Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda burundi oo sheegtay iney ciidamadeeda kala baxayso somaliya haddii aan mushahar la siin

 

Wasiirka Difaaca Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye oo xildhibaanada baarlamanka dalka Burundi uga jawabaayay su’aalo ku saabsan Ciidanka Nabad-ilaalinta Burundi ee Somalia ku sugan ayaa sheegay inaysan meesha ka saarayn inay lasoo baxaan Ciidankooda, Haddii Midowga Afrika uu kusii adkeysto inay si toos ah u siin ciidankooda mushaarkooda, Halkii loo marsiin lahaa Dowladaha ay ka socdaan ciidamada.

“Ururada iyo dowladaha bixiya lacagaha mushaharooyinka ciidamada africaanka ah ee jooga soamliya  , waxay doonayaan inay ciidamada iyo dalalka ay ka socdaan ay ka dhex-abuuraan muran, iyagoo Markaasi sameynaya wax aan lagu fikiri karin, in ay si toos ah u siiyaan mushaarka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray.

“Haddii ay  kala qaybinta  Dowladeena iyo ciidankeeda soo dhaafaan, shaki kuma jiro waxaan dib ugu soo celin doonnaa dalka.Annaga ayaan u dirnay Soomaaliya, ma aha iyaga kuwa diray. Marka ay Somalia joogaan oo ay la dagaalamayaan Al-shabaab, waxay u tahay Qarankeena Sharaf.”Arintan oo ka dhalatay ka dib markii ururada iyo dowladaha lacagta bixiyaa ay u arkeen inaan ciidamada la gaarsiin mushaharooyinka loogu dhiibo dowladahooda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhiga Burundi, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadooda Qaybta ka ah AMISOM aysan muddo Toban bilood ah qaada Wax Mushaar ah. Waxana u jirtay horay cabashooyin ku aaddan mushaarka ciidamada AMISOM ee Somaaliya ku sugan.in kasta oo ay dadka somalida ahi saluugsan yihii shaqada ay ciidamadaasi ka hayaan somaliya aaney ahay mid ay ku qanacsan yihiin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *