Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda federalka ah iyo dowlad goboleedada qaarkood ayaa tacsi u diray ummadda somaliyeed dhalinyaradii badda ku qaraqantay owgeed

Dowladda Somaliya, ayaa maanta ka hadashay dhimashada ugu yaraan 200 oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ay dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka Ambabaxay dalka Masar kuna socday dalka Talyaaniga.

Sidoo kale madaxda dowlad goleedada sida Axmed Islan Iyo Cabdiweli Mahamaed Caligaas ayaa Iyana ka tacsiyadeeyey ummadda somaliyee geeridaasi ku timid dhalin yada somaliyeed ee doontu la qaraqantay.

Tahriibayaasha Soomaliyeed ayaa waxay ka mid ahaayeen illaa 400 oo qof oo ay dooni ka qaaday xeebaha Waddanka Masar kuna socday  Talyaaniga, balse kula dagtay bartamaha Badweynta, halkaas oo ay intooda badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu qoysaska iyo ehellada dhallinyaradan Soomaaliyeed uu uga tacsiyeynayo geeridii ku timid

“Waxay dhallinyaradan ka baxeen Somali oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Warbixintiisa, isagoo intaas ku daray inuu shilkaan muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyi-gelinta la xiriirta ka hor-taga tahriibka iyo safarrada khatarta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale yiri. “Inkastoo Waddanka ay ka jiraan Duruufo adag, haddana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed, Waaliddiinta iyo Dowladda Soomaaliya ay ka Wada-shaqeeyaan sidii loo hakin lahaa Safarradaan khatarta ah ee Dhalinyaradeenna ay ku dhammaanayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Waxaa geerida 200 ee dhallinyarada Soomaaliyeed ah ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tacsi u diray ehellada dhallinyaradii naftooda ku waayay shilkaas, Allena uga baryay inuu Jannadiisa ka Waraabiyo.

“Guud ahaan Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyagoo aad uga Tiiraanyeysan 200 ee dhallinyarada ah ee ku geeriyooday badda Mediterranean-ka, kuwaas oo u badnaa dhallinyaro, waxay tacsi u dirayaan ehelladii iyo Soomaalida oo dhan, waxaana dhallinyaradan ay ka baxeen dalka Masar,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamad Cabdi Xayir [Maareeye

– See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Apr/wararka_maanta18-95614.htm#sthash.oeiMciNf.dpuf

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *