Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda itoobiya ayaa safiir cusub u magacowday dalka somaliya

Dowladda Itoobiya ayaa is bedel ku sameysay Safiirkeedii Soomaaliya joogay oo lagu magacaabo Wondimu Asamne, kaddib markii uu waqtigiisu dhamaaday.

234-3b2

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya.

Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Amb. Jamaaludiin Mustafa oo ah nin ka soo jeeda Deegaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ayaa loo arkaa mid ay dowladda Itoobiya ku xoojineyso xiriirkeeda dhow ee Soomaaliya.

Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa ayaa waxaa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Jamaaludiin ayaa noqonaya Safiirkii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo Itoobiya u soo magacawdo dowladda Soomaaliya, waxaa horay labo jeer Safiir u soo magacawday C/casiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Safaaradda Itoobiya ayaa ku taal Xarunta Madaxtooyada, waxay ka mid tahay 83 Safaaradood oo ay Itoobiya ku leedahay caalamka daafihiisa.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *