Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda kiiniya ayaa sheegtay in eedaha loo soo jeediyey aaney waxba ka jirin

Dawlada Kiiniya ayaa diidey eed loo soo jeediyay oo ku saabsan inay qasab ku celiso qaxootiga Dhadhaab hadba qaar ka mid ah. Eedahaa ayaa waxaa soo jeedisay shalay hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW). HRW ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedahaa ugu soo jeedisay dawlada Kenya iyo weliba hayada qaxootiga ee UNHCR.

Kiiniya ayaa damacsan inay hadba qaar qaxootigaa Soomaaliya u celiso ilaa laga soo xiro xeryaha Dhadhaab dhamaadka  sanadkaan. Laakiin heshiis 2013 ay kala saxiixdeen dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo weliba UNHCR ayaa dhigaya inaan si qoor qabad ah qaxootiga aan loo celine ay iskood u laabtaan hadii ay doonaan. Qaxooti badan oo ay soo wareysatay sida warbixinta ay ku xustay shalay HRW ayaa sheegay in Soomaaliya ay tageen colaadna ay halkaa kula kulmeen deedna ay soo noqdeen! HRW waxay sidoo kale sheegtay in UNHCR aysan xog sax ah siinayn qaxootiga taasoo kusaabsan halista ay kala kulmi karaan Soomaaliya markii ay u guryo noqdaan.Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa sheegay in UNHCR ay darseeyso warbixinta HRW ka hor inta aysan ka jawaab celin. Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool dad aad u badan oo intooda badani yihiin dadka deegaanka ah oo qaxooyiga ku dhex dhuunta.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *