Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda kiiniya ayaa sheegtay iney ku dileed degmada afmadow ciidamo badan oo alshabaab ah

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidammadooda jooga Jubbada hoose dilleen tiro ka badan 100  oo ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab kaddib dagaal ka dhacay Jubbada hoose.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in howlgalkan ay fuliyeen ciidamadooda qeybta ka ah AMISOM, kaddib dagaal labada dhinac dhaxmaray, Degmada Afmadow dhowaan.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in iska horimaadkan uu dhacay todobaadkii hore kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku soo qaadeen saldhig ay ciidamadooda ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

”Dagaalyahanno gaaraya 500 ayaa weerar ku soo qaaday saldhiga ciidammada ay ku lahaayeen Afmadow, waxaa ay goobta uga tageen 140 ka tirsan xoogaggii weerarka soo qaaday” ayaa laga soo xigtay saraakiisha ciidammada Kenya.

Xoogagga Al-shabaab ayaa ku hubeysnaa gadiid dagaalka oo qaarkood ay gubeen ciidammada Kenya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Kenya tirada ay sheeganayaan balse waxaa la og yahay in dagaalku halkaasi ka dhacay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *