Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda maraykanka ayaa balanqaaday iney waxbarashada somaliya ku bixin doonto lacag badan

Dowladda Somaliya iyo hay’a ayaa ku kala saxiixday Muqdisho heshiis lagu horumarinayo Waxbarashada Somalia, iyadoo dowladda Mareykanka ay ballan-qaadday inay ku bixinayso Waxbarashada Somaliya lacag dhan 64-milyan oo doollarka Mareykanka ah. Heshiiskan waxaa Dowladda Maraykanka u saxiixay Safiirka Dalka Mareykanka, Stephen Schwartz iyo kaaliyaha maamulka Afrika ee hay’ada USAID, Linda Etim, iyadoo uu dhanka dowladda Dowladda Somalia uu u saxiixeen Wasiirka Waxbararashada xukuumada Somalia, C/qaadir Cabdi Xaashi iyo Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan

madaxa dowladda maraykanka u saxiixay heshiiskan ayaa xusay inuu mashruucan yahay mid lagu kobcinayo Waxbarashada Soomaaliya – iyagoo sheegay inay ka go’an tahay horumarinta aqoonta sare ee Soomaaliya.  Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in mashruucan uu yahay mid aad loogu baahnaa, wax badanna ka qaban doono Waxbarashada dalka. ”Heshiiskaan muhiim ayuu u yahay Somaliya, Dadaallo badan ayaana ku bixinay sidii uu u hirgeli lahaa, waxaana uga mahad-celinaynaa Hay’ada USAID Taageerada ay mar walba la garab-taagan tahay Somalia.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *