Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda shiinaha ayaa ugu deeqday toban milyan oo dooler dowladda somaliya

golaha_logoDowladda Shiinaha ayaa lacag dhan 10 Milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Lacagtaan ayaa loogu tala galay in lagu iibiyo Cuntooyin iyo sidoo kale dawooyin loogu tala dadka dhibaateysan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa u mahadcelisay dowladda Shiinaha oo lacagtaan ku wareejisay Hay’adda WFP.

Waxa ay sheegtay in lacagtaan lagu soo gadi doono waxyaabo muhiim u ah dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Maryan Qaasim Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka ay waddo qorshe lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

Dhankale Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *