Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda somaliya oo joojisey dal ku galkii loo qaadan jirey dalka soodaan

Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhaw ku dhawaaqdey in la joojiyey Dal kugalkii lagu aadi jirey dalka Suudaan, waxa ayna sheegeen in ay sababtu tahay in la yareeyo da’ayarta Soomaaliyeed ee u socdaalaya Suudaan, ka dibna uga sii gudbaya dalalka Masar & Liibiya, hadhawna Badda ku dhamaanaya.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Gaafoow oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Xarunta Imagareeshinka Muqdisho ayaa sheegay in Maanta ay Joojiyen Visa-ha lagu tago Wadanka Suudaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale Baaq u diray Maamulada Soomaaliland iyo Puntland baaqaas oo ku aadan in ay Hubiyaan Dadka ay siinayaan Visa-ha lagu aadayo Dalalka laga Tahriibo,waxaana uu intaa ku daray in Qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu badbaadiyo Dhalinyarada Soomaaliyeed

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *