Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dowladda Somaliya Oo Maamul Goboleedyada ku Wareejisay Gaadiid loogu talagalay waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS, mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta ku wareejiyay 11 baabuur Wasaaraddaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada, baabuur oo loogu tagalay kormeerada dugsiyada iyo ka qeyb qadashada baahiyaha ay qabaan wasaaradaha Waxbarshada Maamul Gobaleedyada dalka.

Munaasabada lagu wareejinayay ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS,waxaana MunaasabaddaGoob joog ka ahaa Safiirka mudowga yurub ee Soomaaliya, wasiirada Waxbarashada Maamul Gobaleedyada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku wareejiyay baabuurta wasiiradda maamul gobaleedyada dalka waxa uuna u mahad celinayaa barnaamijka iskaashiga caalimiga ah ee waxbarashada oo qeyb muhiim ah ka qaata horumarinta waxbarashada.

Waxaan maanta ku wareejinay Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada Dalka 11 baabuur oo laga iibiyay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education) atuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

Baabuurtaan ayaa waxaa loogu tala galay in baahiyaha Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada lagu daboolo sida kormeerka iyo howlaha kale ee qeybta ka ah horumarinta waxbarashada dalka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *