Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dowladda Soomaaliya oo Qaramada midoobay kalasoo wareegtay hay’addaha SWALIM iyo FSNAU

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay kalasoo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).
Heshiiska lagu tilmaamay mid taariikhiya oo ay kala saxiixdeen Hay’adda tiro-koobka Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’adda FAO ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

Hayadda SWALIM oo mid kamid ah hay’addaha dowladdu la wareegtay, ayaa Sababta loo asaasay waxay ahayd in ay dib u aruuriso oo ay kaydiso xogihii ku dhumay dagaaladii sokeeye ee la aruuriyay 50kii sano ee ka horreysay dagaalkii ahliga ahaa.

Waxa kale oo loo yagleelay in ay isha ku hayso xogaha cusub.

Muddadii ay jirtay, hay’addani waxay si weyn u kaydisay macluumaad muhiim ah oo la xariira:

1. Kheyraadka biyaha (biyaha sare, biyaha hoose iyo waraabka). 2. Cimillada/saadaasha hawada.
3. Xogaha abaaraha. 4. Xogaha daadadka. 5. Kheyraadka dhulka, sida:
a. Ciidda. b. Dahaarka dhulka. c. Adeegsiga dhulka. d. Habboonaanta dhulka. e. Dhalan-gaddoonka dhulka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’addahan oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *