Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda turkiga oo shaaciday iney magaalada muqdisho ka dhisi doonto guryo

Dowladda Turkiga oo lagu bartay caawimidda magaalooyin gaara ayaa sheegtay iney dib u soo celin doonto caawimadaii ay somaliya siin jirtey

Taasi oo ay shaacisay iney fulin doonto balan qaadkeedii ahaa in 10,kun.oo guri ay ka dhisi doonto magaalada muqdisho.

 

 

Masuuliyiinta Dawlada turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah dalka Soomaaliya ka hir galin doonaan mashruuc lagu dhisayo guryo fara badan.

Cali Kaamil Aydin oo ah ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay magaalada Muqdisho ka dhisi doonto guryahaasi oo 10 kun(toban kun) gaaraya, si ay uga faa’ideystaan dadka masaakiinta ah.Balse waxaan ognahay in magaalada Muqdisho ay tahay wada SANDAQAD iyo COOSHADO inta badan ay dhisteen dadka degan magaalada Muqdisho iyo agagaarkeed si ay hay.adaha samafalka wax loogaga qaato.taasina ay had iyo jeer keento in aaney gaarin macaawinadu dadkii loogu tala galay ee baahnaa

 

Sarkaalkan ayaa ka dhawaajiyay in sidoo kale mashruucaan uu kaalin muuqda ka qaadanayo bilicda iyo horumarka dhinaca dhismaha ee caasimadda Muqdisho.

 

Mar hore ayey ahayd  markii uu madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan uu sheegay in ay qorshaha ugu jirto dhismaha in ka badan 10 kun oo guri oo ay u dhisayaan dadka saboolka ah ee aan awoodin in ay hoy fiican helaan.

mashaariic badan ayey dowladda Turkigu ka fulisey magaalada muqdisho .balshe dadka somaliyeed waxay teeqaha turkiga ku dhaliilaan inaanu wada gaarsiin dalka oo dhan balse uu kula kulafay magaalada muqdisho oo keliya.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *