Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda turkiga oo somaliya ka fulineysa mashaariic aad u farabadan oo ay hore u balanqaaday

Mudane Eng Sadaq Abdullahi Abdi Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhismayaasha guryihii dawladda Turkigu balan qaaday inay Muqdisho ka hirgalinayso qorshahoodu marayo meel fiican.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiirka iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa si diiran loogu Soo dhoweeye Magaalada Ankara iyo Antalya.

Barnaamij lagu soo Bandhigaaye Horumarinta Qalabka Technlogiyada Dhismaha taas oo ah Somalia fursad aad u wanaagsan ayaa usoo gudbey Magaalada Caasimada ah ayaa uga sii gudbay Magaalada Caasimada ah ee Ankara halkaas oo kulama kale kula yeeshey Wasiirka Ganacsiga iyo Cashuurah, Hay’adda Horumarinta ee TIKA, Wasaarada Waxbarashada iyo tan Arimaha Dibada.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u Dhiska Soomaaliya ayaa xooga ku saarey Masuuliyiinta Dowlada Turkiga sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Dib Dhiska Dalka taas oo horey u balan qaadey Madaxweyne Erdogan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Casguuraha Turkiga ayaa sidoo kale xusey in mar walbaa ay garab taagnaan doonaan Shacabka Soomaaliyeed ilaa ay ka gaaraan awoodii ay lahaan jireen ee Qaarada Afrika iyo Mida dunida.

Sidoo Kale Wasiirka ayaa ku dhiira geliyey Ganacsatada Turkiga in ay Malgashi ku sameystaan taas oo ay aad u soo dhoweeyeen ganacsatada Dowlada Turkiga.

Waxaa la diyaariye Gudigii shaqo ee fulinta Mashaariicda 10,000(kun) guri ee laga dhisaayo Soomaaliya kuwaas oo goor dhow iman doona Soomaaliya.

Eng: Sadaq ayaa markii loo Dhiibey Wasaarada wuxuu muhimadiisa kuwood ka dhigey sidii Mashaariicdaas loo fulin lahaa.

Inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga laga leeyahay iyo mas’uuliyiinta Dowladda,kuwaasi oo kala hadlayo sidii Wasiiraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowlada Rey’isul Wasaare Kheyre ayaa Mudo kooban ku xaqiijisey howlihii loo xilsaarey iyadoo Wasiir Walbaa lagula Xisaabta waxqabadkiisa taas oo ka muuqata habka ay u shaqeeyaan, ayagoo raacayaa Baaqii Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmojo ee Nabad Iyo Nolol.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *