Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dr. C.raxmaan Baadiyow “in Soomaaliya dib loogu Celiyo Nidaam Qabiil Caqli maaha”

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed aysan wali gaarin halkii looga baahnaa 30 sano kadib, haddiiba ay wali taagan tahay nidaam qabiil oo aysan u diyaarsanayn doorasho qof iyo cod ah.

Baadiyow, oo ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow xukuumadda, ayaa sheegay in kobcay caqliga dadka Somaaliyeed ee ganacsiga, isku-tashiga, iskaashiga iyo adkeysiga, loona baahnaa in xilligan doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo.

“Waxaa kale oo muuqata in caqliga Soomaaliyeed uusan kobcin marka la dhisaayo dowlad. Tusaale waxaa h in 20 sano lagu cel-celiyay nidaam beeleed iyo xulitaan aan shaqayneyn. Waxaa gabi ahaanba meesha ka maqan xaqii muwaadinnimo iyo u sinaanshaha xuquuqda iyo waajibaadka” ayuu yiri Baadiyow.

“Waxaa sidoo kale maqan u hoggaansamidda qaanuunka! Dhanka kale, waxaa maqan in muwaadiniintu doortaan wakiilladooda iyo madaxdooda si xor oo xalaal ah. Muwaadinnimo, sareynta sharciga iyo doorasho dadweyne ayaa ah waddada dowladnimada. Nasiib darro, caqliga iyo dhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliyeed wax badan iskama beddelin laga soo bilaabo 1956-ki. Dhaqankaas wuxuu soo dumiyay dowladdii dhexe 1991.”

Baadiyow ayaa ah la-taliyaha sare ra’iisul wasaaraha ee arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu ololeynaya in dalka ay ka dhacaan doorasho qof iyo cod ah.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada sheegay inaysan doorasho qof iyo cod ah dhici karin sanadka soo socda ayaa sheegay in haddii dowladda ay daacad ka tahay qabasho doorasho noocaas ah ay ahayd inay ka shaqeyo saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay rumeysan yahay in waxa hadda dowladda iyo xubnaha ku dhow arrintaas ugu dheggan yihiin ay tahay xaqiiqda ah inaysan suurta-gal ahayn, balse ay doonayaan inay waqti ku lumiyaan si muddo xileedka loogu kordhiyo.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi, Kenya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *