Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

duleedka magaalada gaalkacayo oo ciidamo ka tirsan galmudug ay ku weerareen dad dhisaayey Maxjar

Dagaal u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ayaa saaka ka dhanka koofureer ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo uu dagaalku sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ka dambeeyay, kaddib markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay soo weerareem meel laga dhisayo maxjarka xoolaha ee galbeedka fog magaalada Gaalkacyo.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro intaa ka badan ku djaawacmeen, waxaana dagaalkan uu sii huriyay xiisada u dhaxeysay Puntland iyo Galmudug.

Wariye ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa  sheegay  in dagaalka aanu wax saameyn ku yeelan gudaha Gaalkacyo, isla markaana Gamacsiga ay yihiin kuwo furan, waxaana magaalada laga maqlayay rasaasta labadan dhinac is dhaafsanayeen.

Rasaas goos goos ah ayaa goor sii horeysay laga maqlayay, waxaana uu dagaalka u muuqdaa mid waxoogaa qaboobay.

Waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayaa ku howlan sidii loo xalin lahaa dagaalka, waxaana socda baaqyo labada dhinac loo jeedinayo oo ah in dagaalka joojiyaan

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *